Kumannaan Jabuutiyaan ah oo laga daad gureeyay magaalada Diri-Dhaba (Dilal loo gaystay)

0
498

(Diri-Dhaba) 11 Agoosto 2018 – Tiro badan oo Jabuutiyaan ah ayaa iskaga baxay magaalada Diri-Dhaba oo 450 km bari kaga beegan caasimadda Addis Ababa – waxayna gaarayaan 2,000, sida uu werinayo The Reporter.

Sida laga soo koobiyay ilo ku dhow xafiiska Jaaliyadda Jabuuti ee Djibouti Council Office ee Diri-Dhaba, waxaa aad u kordhaysa tirada dadka Jabuutiyaanka ah ee codsanaya in laga daad gureeyo halkaasi, cabsida amaan ee sii kordhaysa darteed, kaddib markii la diley 6 qof oo Jabuutiyaan ah 15 kalena la dhaawacay.

Dadka la diley waxaa ka mid ah 3 carruur ah oo hal qoys ka wada yimid, kuwaasoo dhintay kaddib markii gurigooda lagu weeraray ee deeto dab la qabadsiiyay.

“Waxaannu haatan wadnaa qorshe aynu muwaadiniinta Jabuutiyaanka ah ugu daad gureeynayno Djibouti,” ayaa lagasoo xigtey xafiiska Jaaliyadda Jabuuti, waxaana horraan u baxay 1,700 oo qof.

Hadalsame Media

Facebook Comments