WAR CUSUB: Imaaraatka oo dhisaya tubo saliiadda qaadda oo isku xiraysa Itoobiya & Eritrea (Maxay uga dhigan tahay Somalia?)

0

(Adis Ababa) 10 Agoosto 2018 – Imaaraatka Carabta ayaa dhisaya tubbo dheer oo ka baxda dekedda Casab ee dalka Eritrea kuna dhamaata caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, sida ay maanta sheegtay warbaahinta Itoobya.

Fana Broadcasting ayaa sheegtay in xogtan daaha looga rogey kulan Adis Ababa ku dhexmaray RW Itoobiya ee Dr Abiy Ahmed iyo Reem Al Hashimy, oo ah Wasiiru dowladda Imaaraatka ee Iskaashiga Caalamiga ah.

Tafaasiil dheeri ah arrinta lagama bixinin, balse Agaasimaha Xafiiska Abiy ee Fitsum Arega, ayaa Reuters u sheegay in inta badan laga wada hadlay waxyaabo maalgashi khuseeya sida “wershadaha, beeraha, hantida ma guurtada ah, tubooyinka saliidda qaada iyo goobaha dalxiiska”.


UAE ayaa cayrsanaysa qorshayaal qarsoodi ah oo ay kula xafiiltamayso dalal kale iyo xitaa qaar ka tirsan kuwa gobolka, taasoo keentay inay xal ka dhex raadiso Itoobiya iyo Eritrea si ay halkaa saamayn ugu yeelato si ay uga hor dhacdo Iiraan, Qadar, Turkey iwm, iyadoo dabcan ku shaqaynaysa ajendaha dalal kale sida Maraykanka, waxaana dalalka isha taagaya ka mid ah Somalia oo aan ilaa haatan siyaasad isku toosan lahayn iyo Jabuuti.

Hadalsame Media