RESHMA oo ahayd fannaanad & jilaayad caan ah oo uu TOOGTEY ninkeedii + Sawirro

0

(Khyber Pakhtunkhwa) 10 Agoosto 2018 – Gobolka Pakistan ee Khyber Pakhtunkhwa, ayaa waxaa lagu toogtey atirishada Reshma, taasoo lagu eedeeyay isla ninkeeda agagaarka Nowshera Kalan.

Sida uu baahiyay Geo TV, Reshma, oo ahayd xaaska 4-aad ee ninka la tuhunsan yahay, ayaa la noolaan jirtey walaalkeed oo ay wada deganaayeen magaalada Hakimabad, sida ay werinayso wakaalad wareedka ANI.

Booliiska ayaa sheegaya inuu ninku galay guriga kaddibna uu rasaas oodda uga qaaday xaaskiisa kaddib muran dhex maray, wuxuuna markiiba ka baxsaday goobta, waxaana daba socda booliiska.

Waa shilkii 15-aad oo loo gaysto haweenka fanka ku jira ee Khyber Pakhtunkhwa oo qura, shil kan oo kale ah, Sunbul oo jilaa ka ahayd masraxyada dalkaasi ayaa la toogtey 3-dii Febraayo, kaddib markii ay ninka diley ka diidey inay xaflad u raacdo.

Reshma oo  sidoo kale heesaa ahayd ayaa caan ku ahayd heesaha Pashto-ga, waxayna sidoo kale ahayd jilaayad iyadoo ku jirta daraamaha caanka ka ah Pakistan ee Zhobal Goluna.

Hadalsame Media