FALANQAYN: Maxaa Somalia dhex geliyay Canada & Sucuudiga?

0

(Hadalsame) 10 Agoosto 2018 – Waxaan ognahay in dowladda Canada ay aad iskaga ilaaliso dhaxagalka siyaasadeed Middle East, waa Dowlad inta badan jecel dhex dhaxaad nimada. Mar ay barteeda Twitter ay soo dhignay wasiirka Arimaha Dibada Canada Chrystia Freeland, ayka hadashay xad gudubka xuquul isnaanka sida gabar u dhaqdhqaado xuquuqda dumarka oo walaasheey xarig loogu geestay dalka Saudi Arabia.

Arintaas waxaa aad uga carooday dhaxal sugaha dalka Saudi Arabia Mohamed Bin Sulmaan, asagoo ka jawaabaayo hadalkii wasiirada wuxuu dalkiisa ka saaray safiirka dowlada Canada. Wuxuu kaloo joojiyay dayaaradihiisa tagi jiray dalka Canada, arday dalka Saudi u dhashay oo gaaraaray toban kun 10,000 wuxuu ku amray inay dalka ka baxaan, wuxuu kaloo amray in bukaankii isbitaalada jiifay ee caafimaadka u yimid in laga soo saaro Canada.

Canada iyo Saudi kama dhaxeeyso dhaqaalo badan oo ay is weeydaarsadaan, waxaa lagu qiyaasay in ka yar 10 billion oo kaleya, Canada waxay Saudiga kaga yimaado xoogaa yar oo batrool ah anagoo og in Canada ay leedahay oil badan oo ay dhoofiso, Saudiga wuxuu Canada ka gatay qalab ciidan haba ugu badnaadaan tangiyada dagaalka.

Prime Minister Justin Trudeau asagoo ka jawaabaayo siyaasada Saudiga wuxuu yiri” Canada kama aamuseeyso xad gudubka xuquul insaanka” Aqoonyahano ka faalooda siyaasadda waxay arinkaan ku sheegeen In Saudiga gardarada uu Canada ku haaysto ay tahay mid uu uga digaayo dowladaha kale ee waaweyn in dhaqanka siyaasadiisa aan mar dambe lagu soo deg gegin. Waxaan ognahay in Siyaasiyiinta Mareeykanka ay maalinkastaa ku eedeeyaan Saudiga inuu meel uga dhaco xuquuqal insaanka wali lama arkin Saudiga oo ka jawaabaayo Arimahaas.

Waxay kaloo Sacudiga ku dhiiradeen inay Canada meel cidlo ka qabsadaan waayo waxay og yihiin in Madaxwayne Trump iyo Raisal Wasaaraha Canada Justin aysan isku fiicnayn, maadaama dowlada uu hogaamiyo Justin uu galaayo doorasho 2019, sida dad badan ay aaminsan yihiin Justin wax badan Uma dhimi karto arinkaas waayo shacabka Canada waa dad aad wax u aqriya og siyaasadooda, wuxuu kaloo PM. Justin ku guuleeystay inuu dhaqaalaha dalkiisa horey u mariyo, xal-na ka gaaray arimahii gobolka Quebec, taas awgeed shacabka Canada waa dad ku farxsan shaqadiisa.

Hadaba maxaa arinkaan Somaliya ka galay?

Sida aan ognahay Somaliya waxay ka mid tahay Jaamacada Carabta, si go’aanka Saudiga xoog u yeesho wuxuu ku qasbay dowlada Carabta inay garab is taagaan, waxaana baaqiisa ka jawaabay Jabuti, Kuwait Somalia, Sudan iyo Bahrain. Dowladda Somaliya waxay ku shaqeeynaysaa xaalad adag, hadii ay dalabka Saudiga ka harto waxaa suurta gal ah inuu dib u soo cesho xoolaha Somalia laga qaaday tan ciida, tasoo taabaneeyso dhaqaalaha dalka iyo waxkaloo badan, Somalia oo eegeeysa dadkeeda oo aad uga shaqeeysto dalka Saudiga inay arinkaan taabato, waxaa qasab ku noqotay inay ka jawaabto cadsiga Saudiga.

Waxaan u qorayaa arimahaan waa inay dadkeeyga wax aqriyaan oo ay fahmaan waxa socda, sida kaliya ay Soomaaliya siyaasadeeda gudaha iyo dibadaba ay u madax banaanaato Waa inaan taageernaa xoojinta dowladnimdda dalka Soomaaliya, taasoo noo ogolaaneeyso inaan gaarno isku filaan dhan kasta ah.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

Afeef: Maqaalkani wuxuu xambaarsan yahay aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media