FALANQAYN: Da’da GUURKA & baaluqa carruurtu waa kala LABA!

0
2042

(Hadalsame) 10 Agoosto 2018 – Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga oo ay Xukuumadda Xasan Cali Khayre ay ansixisay bishii Maajo ee sanadkan. Sharciga ayaa lagu wadaa in la horgeeyo labada Gole ee Baarlamaanka DFS.

Culumadu dhowr qodob ayeey sheegeen in ay ka dhiidhinayaan oo ay weliba dagaal duulaan ah diyaar ugu yihiin cid walba oo keenta wax diinta ka hor imanaya. Waxaa muuqata qodobada kufsiga ka hadlaya in uu tashuush geliyay Qodobka 25aad oo ku qoran bogga 24aad. Shiikh Cali Wajiis oo culumada u hadlayay waxa uu ku dooday sidatan:

“…aaway hooyooyinkii 15ka iyo 16 ka ku guursaday? Sharcigu waa kufsi buu leeyahay waana ayaan daro. Sababta oo ah waxaa nahay muslim shaafici ah. Gabdheheenu waxay ku qaan gaaraan 15, qaangaarkaas weliba waa kii qaalibka ahaaye ee 13, 10, 12 sano haddii dhiig/caadadu  ugu yimaado/timasdo waa qaangaar gabadhu. Waxana waa wax gaalo laga keenay.” Intaa waxa uu ku daray “Gabadha xilka haysa ha la casilo”

Waxaa ii muuqata in ”Qaangaar” iyo ”Baaluqid” aysan culumadu kala saarayn. Qaangaarka waa mid lagu salayn karo kobaca maskaxda iyo jirka wiilka iyo gabadha, halka baaluqidu ay ku xirantahay helida shahwada iyo caadada. Soomaalida waa muslim sunni ka raacsan mab’da shaaficiga. Sida aan ognahay oo ay culumaduna sheegtay da’da qaangaarku waa 15-sano shaaficiga, xambalina sidaa buu la qabaa, waxayse raaciyeen 10,12 iyo 13 xataa waa qaangaar marba haddii ay caado ku dhacdo. Xanafi ayaa qaba in 9 iyo 12 gabadhu ku qaangaarto, halka maaliki uu ka qabo da’da qaangaarka in ay tahay 17.

Marka maxaa innoo diidaya si sareexo leh oo aan caadifad iyo qurgooyo hanjabaad ah iyo weliba in la dalabo xil ka qaadista Wasiir Deeqa Yaasiin in aan u wada hadalno.

Maxaay ku doorteen culumadu xanafiga banaynaya da’da ka hoosaysa 15-sano in ay carabka ku dhuftaan oo aynna magacaabin maaliki oo da`da 17-sano banaynaya? Cilmiga dadka waa loo dhigaa ee laguma adoomiyo. Ayaga oo aan gaal aadin maxaa u diidaya in ay mabaa’diida islaamka xal ka raadiyaan?  Markaana aan isdhagaysano.

Sharci marka uu dhaqangalayo wixii ka horeeyay badanaa ha asiibo lama yiraahdo ee waxa soo socda ayuu xakameeyaa. Sida aan ognahay waalidka soomaalida badankood “qudbo-siro”, gabar la dafay ama lala baxsaday oo lagu soo mehriyay meel ka fog qoyska iyo xigtada ayaa lagu dhalay. Waxay ahayd 90-meeyadi markii ay si rasmi ah usoo shaac baxday “qudbo-saro” waa xaaraan! Markaa dad baa ku andacoonayay “ma hadda ayaad na leedihiin  carruurtiinu waa wacalo”? Saas oo ay tahayna waa la dhaqan geliyay oo maanta laguma dhiirado “qudbo-siro”! Waalidkii ku soo ilmo dhalayna wax ka halaabay ma laha! Haddaba maxaa diidaya ayada oo bulshada aakhiro iyo aduunba loo danaynayo in culumadu eegto danta iyo caafimaadka gabadha oo ay duulaanka ugu yihiin ”Saqiir guursi?”

Haddii dagaal Soomaaliya ragaadiyay oo aan hada soo baraarugnay ma haboontahay in hanuunintii Culumada ku waajibka ahayd ay “argagix nafsiyan iyo bulsho ka dhan” ay waqtiga geliyaan? Sidaasi nooma horseedayso in aan nabad iyo isgarabsi ku wada noolaano oo mushtamac wanaagsan wada ababino, taas oo nagu ah waajib. Waxaa nalooga baahan yahay hufnaan iyo hogatusaalayn haboon.

Xaga caafimaadka waxaa ku cad oo daraasaad badan ay muujiyeen in caadada imaatinkeeda ay tahay sidii geed iniintiisa la beeray oo mudo kadib carrada ka soo dusay oo bikaac ilqabata ah yeeshay. Geedkan miyaad harsan kartaa marka uu curdanka yahay oo laamuhu weli jilacsanyihiin oo ay dabayshu hadba dhinac u walfinayso? Waa maya. Waa innuu jiridu adkaato oo uu laamo baxsho si aad u harsataa. Gabadhu waa la mid oo caadadu waxay ka turjumaysaa in ay baaluqday oo hormoono cusub jirku samaynayo. Jirku waqti ay hormoonadani ay ku xasilaan buu u baahanyahay. Sidaasna aadane ma samayn ee waa abuuris Eebbe noo qoondeeyay oo naga dhigtay kuwo jirkoodu hadba marxalad marayo wiil iyo gabarba. Sidaa darteed waxaan qabaa in da`da guurka loo daayo 18-sano.

Haddii Soomaaliya qoriga caaraddiisa wax lagu maquunin jiray, hadda rabitaanku waa wada xaajood, nabad iyo caano aduun iyo aakhiraba innoo horseeda. Ugu danbayn waa lama huraan in aan dhaqanka argagixiska iyo kala fogaanta abuuraya dhammaan ka fogaano.

Sida ii muuqata ”Maxaa kufsi-carruureed ah?” Lagama doodi karo ayada oo aan da’da qaangaarka iyo tan baaluqida la kala saarin, “Canjeero say u kala koraysaa loo kala qaadaa e” Culumadu ha isku laabteen oo aan kala saarno da`da guurka iyo tan baaluqida, si aan isula lafogurno xeerkan oo ah mid baahi wayn bulshadu u qabto. Wabilahi Towfiiq

W.Q. Luul Xasan Kulmiye (Luul Araweelo) Afhayeenka kacdoonka u dhaqdhaqaaqa hogaanka haweenka (SGEM). Oslo, Norway

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinku waa kuwo ka tarjumaya aragtida qorayaasha ku saxiixan.

Hadalsame Media

Facebook Comments