DAAWO: Atirishada sidaa beri u qurxoonayd oo TUUGSI miciin bidday & Salman Khan oo badbaadiyay + Sawirro

0

(Mumbai) 09 Agoosto 2018 – Salman Khan ayaa gacan insaannimo u fidiyay atiriso horay film ula jishay oo la yiraahdo Pooja Dadwal, taasoo la waddey film-kii Veergati, taasoo ay warbaahinta Hindiya mar qura ku baraarugtey iyadoo bugta oo aan baystayn haysanin, bilo yar uun kahor.

Warka sami wuxuu ahaa inay sidii hore dhaanto, balse weli shilin ay isku baaniso ma haysanin, si ay si buuxda ugusoo kabato, iyadoo markale muuqaal baaq ah oo kaalmo waydiisasho ah kasoo dirtay isbitaalka ay ku jirto.

Pooja oo iminka 5 bilood dagaal adag kula jirta cudurka Feeraha ama TB-da, oo uu uga gurmadey aktarka Salman Khan, kaddib markii ay qoyskeedu dacdarrada ku dayriyeen, ayaa haatan weli gacan iyo gargaar u baahan Salman iyo ciddii la mid ah.

Sida ku qoran Mumbai Mirror, Pooja oo uu culayskeedu ahaa 23 kg oo qura ayaa la dhigay isbitaalka Sewri hospital bishii Maarso, waxayna u baanayd inay ogsijiin ku neefsato maaddaama uu caabuqu saameeyay labadeeda sambab, ka hor inta aysan gurmad ka helin khayriyad uu leeyahay Salman oo la yiraahdo Being Human Foundation.

Haatan waxaa Pooja laga saaray isbitaalkii waxaana loo dhigay magaalada Goa, iyadoo aad ugu mahad celisey Salman Khan.

“Ma sharrixi karo waxa aan dareemayo. Markii isbitaalka la i dhigay bishii Maarso, waxaan filayay inaan dhimanayo. Qoyskayga iyo saaxiibadeey waa i dayriyeen. Waxaan abaal wayn u hayaa Salman Khan oo igu caawiyay wax kasta oo aan u baahnaa min dhar, saabuun, xafaayado, cunto, dawooyin iyo wax kasta. Haddaan badbaadey isagaan abaal uga hayaa oo u sabab ah,” ayay Pooja u sheegtay Mumbai Mirror.

Hadalsame Media