”Maraykanku ciddii aan isu DHIIBIN wuu dhibaataynayaa” – Madaxwaynaha Nicaragua oo ka dhiidhiyay hab-dhaqanka Maraykanka

0

(Managua) 07 Agoosto 2018 – Siyaasadda Maraykanka ee dibeddu waxay ku dhisan tahay is ballaarin iyo cabburin, ayuu madaxwaynaha Nicaragua ee Daniel Ortega u sheegay RT Spanish, isagoo intaa ku daray in dalalka ka dhega adeeyga dalabka Washington la shaydaameeyo oo la qaso.

“Waxaannu had iyo goor doonaynay inaan xiriir caadi ah la yeelanno Maraykanka, balse beddelkii caburin unbaan aragnaa,” ayuu yiri Ortega oo waraysi gaar ah siiyay RT Spanish. 

Ortega ayaa intaa ku daray in Maraykanku uu rabo “in la isu dhiibo, ama xitaa loo adoomoobo,” isagoo taa biddaalkeeda aano ka gelaya dalalka iska diida ”adeegennimadaas.”

 

Nicaraguan ayaa sanado badan la hardamaysay saamaynta Maraykanka inta badan qarnigii 20-aad. Tusaale, Augusto C. Sandino, oo loogu magac daray xisbiga Ortega ee Sandinistas, ayaa horkacayay jabhad weerarro ku dhufoo ka dhaqaaq ah ku qaadi jirtey ciidamada Maraykanka min 1927 ilaa 1933-kii.

Waxaa se markii dambe khaarajiyay ciidamo uu hoggaaminayay jeneraal Anastasio Somoza Garcia, oo aasaasay ururkii la nebcaa ee Somoza oo isagoo Maraykanka u adeegaya muddo dheer gacan bir ah iyo naxariis la’aan ku xukamayay dalkan Latin Ameerika.

Hadalsame Media