AQRI: Lixdan qodob ayuu KHALAD ku ahaa falkii ka dhacay Boosaaso!!

0

(Boosaaso) 05 Agoosto 2018 – Waa ceeb iyo dhaqanxumo falka ka dhacay Boosaaso oo ninka orommada ah lagu waxyeelleeyey.

1- Qofka fal uusan geysan loo ma dhibaatayn karo, dembi uusan lahaynina uma soo jiidi karo fal ay sameeyeen dad uu hayb, diin, midab ama wax kaleba la wadaago.
2- Haddii qof gef sameeyo, meesha nidaamka ka jira ayaa u xilsaaran ee dadweynuhu in ay sharciga gacanta ku qaataan waa khalad.

3- Qofku haddii uu degaan ‘marti’ looga arko joogo macnaheedu ma aha in uu luminayo xorriyaddiisa hadal isla markaana lagu leeyahay in uu u dhaqmo sidii miskiin.
4- Dadka sharciga gacanta ku qaata waa in nidaamka jiraa ka daba tago oo ciqaabta ay mudan yihiin la mariyo.


5- Qofka la dhibaateeyey waa in nidaamka meesha ka jiraa iska xilsaaro daaweyntiisa iyo baanashadiisa, isla markaana bulshada uu ka soo jeedey loo tago oo laga saaro welwelka ay ku beereyso arrinta foosha xun ee dhacday.
6- Meelaha dadka wax looga sheego sida masaajiddada, idaacadaha iyo kuwa kale, waa in laga faafiyaa in falkii dhacay iyo noociisu yahay mid anshaxa ka baxsan oo abuuraya fowdo, ugu dambayn u daran dadka degaankaas ku dhaqan.

Waxa aan arkay dad taageersan ninka la dhibaateeyey. Dabcan caadifad ku salaysan soomaalida orommadu ku dhibaatayneysey Itoobbiya ayaa u macaaneysey aargoosi. Waxa aan se weyddinayaa qolyahaas; ka warran adiga oo Itoobbiya jooga, haddii ninka Boosaaso lagu dhibaateeyey ehelkiisu si aargoosi ah kuu dhibaateeyaan, ma u arki lahayd caddaalad? Waan hubaa oo jawaabtaadu waa MAYA!

Maxaa yeelay markii arrintu adiga ku joogto caadifad adeegsan meysid ee si caqli ku salaysan baad u garrameysaa oo aad ku doodeysaa in wax aadan adigu shakhsi ahaan geysan talona ku lahayn darteed laguu dhibaateeyey.

W; Q: Maxamed Aadan Ciiraale

Hadalsame Media