QISO QAMUUNYO & WAX KU QAADASHO LEH: Wiil & Gabar ha u kala garbaynin mid ku gargaari doona garan mayside!

0

(Hadalsame) 04 Agoosto 2018 – Seynab waxeey ku dhalatay sanadkii 1985-kii degmada Afmadoow ee Gobolka J/hose aabaheed Ahmed Jaamac waxuu ahaa xoola dhaqato, waxuu qabay 4 xaas oo Seynab hooyadeed ku aheed bah yar, marka laga reebo Seynab hooyadeed oo lagu magacaabi jiray Suldaano.

Xaasaska kale waxeey udhaleen 16 caruur ah oo kuligood wada rag ah (lab) Axmed Jaamac waxuu ahaa nin aad u kibir badan xoolo ku filane heestay waxuu sidoo kale ahaa dadka aan jecleen dhalista gabdhaha laakin waxii qoran lama celin karo oo xaaskiisi yaraa oo uu xoolaha badan ka baxshay waxeey udhashay gabar taasoo loo baxshay zeinab.

Axmed Jaamac markuu maqlay Suldaamo waxeey dhashay gabar wuu naxay waxuu ku dhawaaday wadnaha inuu istaago laakinse guriga markuu imaaday uuna xaqiiqsaday waxa dhashay inee yihiin gabar ayuu isugu wacay dadkii tuulada waxuuna usheegay gabadha dhalatay ineey tahay wacal usan dhalin asaga maadama uu horay udhalin wax gabar ah meeshii ayuuna ku furay Suldaamo oo wadato Seynab.

Suldaamo oo cideeda reer guraa xoola dhaqato ah waxeey gabadheedi yareeyd la aaday tuulada diif oo xuduuda Somaliya kutaal meeshaas oo aabaheed ku noolaa.

1991-kii markii burburkii Soomaaliya uu dhacay Suldaamo waxeey u hayaantay xeryaha qaxootiga Kenya ee Dadhaab Camps halkaasoo aay iska diwaangelisay.

Seynab weey kortay waxeey noqotay gabar go’aan leh oo aay ka goantahay ineey wax barato, marmarka qaarkood markeey dareento caajis waxeey hooyadeed ka codsan jirtay ineey uga sheekeeso waxii ku dhacay markii aay dhalatay kadib markii looga sheekeeyane oohin ayeey afka furan jirtay kadibne waxeey niyada kudhisan jirtay ineey maalin un gaari doonto hamigeeda.

Seynab waxeey dhameesay primary geeda ayadoo isku diyaarineeso ineey u gudubto secondaryga ayaa waxaa usoo baxay degenaansho Mareekanka ah (Reseltement of USA) Seynab iyo hooyadeed waxeey tageen dalka Mareekanka.

Seynab ma aysan joojin waxbarashadeeda meeshii ayeey kasii wadey ilaa aay qaadato Shahaadada Master of Business Adminstration (MBA).

Seynab aabaheed Axmed Jaamac xoolahii waxaa ka laayay abaar ilamhiine qaar weey dhinteen waxaa usoo haray 6, Mid wuu waashay midna waxuu noqday mooryaanta qoryaha wadato kaasoo aan dan ka laheen aabahiis 4 tii kalane waxeey galeen dibada balse aabahood waxeey ujareen xiriirka dibne ulama soo hadlin.

Seynab oo madax ka ah haayada Socdaalka Caalamiga ah ee IOM iyadoo socdaal ku mareeso Xeryaha qaxootiga ee Dadab Camps ayaa waxeey raadisay aabaheed nolol iyo geeri meesha uu ku noolyahay waxeey ku aragtay xerada Ifo camp asago indha beelay hiil iyo garabne aan heesan xitaa iskadaa wax saxarada ka dhaqee.

Seynab markeey aragtay nolosha uu aabaheed ku noolyahay naxdin daraadeed istaaga ayeey ka dhacday. Seynab aabaheed waxeey u qaaday Nairobi meeshaas oo aay indhaha ugu fiiqday.

Seynab aabaheed hada waxuu si raaxo badan ugu noolyahay magaalada Makka Al Mukaramah ee dalka Sucuudi Carabiya, asagoo halkaas ku cibaadeesanaya, Wiilashii uu ku faani jirayne iskama warqabaan oo wey deeyriyeen, balse maanta uma baahna oo gabadhii uu shalay nacay ayaa ka kaafisay.

Somalidu waxeey tiraahdaa ”gacan la barkan doono Allaa og”, taasoo aay ula jeedaan qof loo baxsan doono Alla og.

Allow dhawr gabdhaheenna!

Xigasho: Cabdullaahi Daahir

Hadalsame Media