Maxay wadaagaan xeerarkii Arraweelo iyo kuwa Rooxaantu?

0

(Hadalsame) 03 Agoosto 2018 – Arraweelo (Sheeko-xarriro): Waxay ahayd haweenay boqorad ka ahayd qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya. Waxaa jiray xeerar ay dumarka u dejisay. Xeerarku waxay lid ku ahaayeen ragga.

Sidoo kale, Rooxaantu (i.e. Qabyaaladda) waxay leedahay xeeraar aan qornayn, oo soo jireen ah.

Rooxaantu ma oggola fikradaha ”baas” ee dibedda nooga yimid, sida qaranimada iyo dawladnimada.

Tusaale:
Arraweelo: “ Cudud rag isu geeya, calafkiisana kala dhawra”
Rooxaanta: “ Qiiro madax isu geeya, Qaranimana ka dhawra”

Qore: Xaashi Y Cusmaan

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media