WAX KA BARO: Ma rumaysan kartid guriga uu deggan yahay Warren Buffet oo ah ninka 3-aad ee dunida ugu taajirsan

0

(Omaha) 02 Agoosto 2018 – Warren Buffet, oo ah ninka 3-aad ee dunida ugu taajirsan, wuxuu weli ku nool yahay guri uu 1958-kii ku iibsadey $31,500 oo doollar.

Ninkan oo ay dunidu ku naanaysto “Sixirroolihii Omaha” oo ah nin guulo waawayn ka gaarey habka maalgelinta loo sameeyo isla markaana saami wayn ku leh Aple, ayaa weli ku dhex nool guri caadi ah marka loo eego hantidiisa.

Guriga Buffet ayaa ka kooban 3 qol oo jiif ah, oo uu Omaha ka iibsadey jeer ay 2 sano ka harsanayd xorriyadda dalkeenna Somalia, isagoo ugu fadhiya $31,500 oo doollar oo qura, kaasoo la dhigay 1921-kii, haatanna ku fadhiya ugu badnaan $652,619, oo doollar.

Gurigan oo ah nooca shamiintada ah ayaan lahayn xayndaab lagu dahaaray korontada amaanka iyo xitaa kaamirooyinka lagu indha indheeyo dadka guriga soo gelaya, waana arrin lagula yaabay 82-jirkan taajirka ah.

“Halkan ayaan ku faraxsan ahay. Waan ka guuri lahaa haddaan hubo inaan meel kale farxad ku helayo. Maxay noloshayda ka bedeleeysaa inaan 10 guri caalamka ka kala dhisto oo aan qof kale ii maaree ama ii haay iraahdo…” ayuu Buffet waydiiyay BBC.

‘Guri kan ka wanaagsan ma maamin karo.” ayuu yiri.

Xitaa diinta Islaamka ayaa ka dayrisay in lacagta lagu fataalo oo lagu dheelo iyo in lagu bakhaylo oo aan wanaagga lagu bixin.

Hadalsame Media