DABAGAL SAXAAFADEED: Sidee loo raadiyaa xogaha dahsoon? (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 01 Agoosto 2018 – Intii horay ula socotay waxaan ka soo hadalnay cashir ku saabsan Investigative journalism,waxaana soo qeexnay waxa uu nuxurku yahay iyo sadax qodob oo muhiim ah ka hor inta aan la bilaabin shaqada.

Iminka waxaan ka hadleenaa talaabooyin ay lama dhaafaan tahay in la sameeyo marka aad dooneyso in aad arin u dhabo gasho,si ay xogtaadu u noqoto mid dhameystiran oo an dal dalool laheyn dadkuna aanay shaki ka qabi Karin oo waadax muuqata ah.

Ugu horeynta waxaa loo baahanyahay labo arimood oo laf dhabar u ah dhabaha aad ka duuleyso.

1. Data confidentiality. Waxaa loo baahanyahay in aad xafido halka aad xogta ka heshay iyo cida ku siisay waayo waxaa arintani ay keeni kartaa Qatar weyn oo ku dhacda dadka isqarinaya ee kuu sir waramay ama kuwa dukumiintiyada kuu soo dusiyay, wariye caan ah oo ku xeeldheer arimha wax barista oo u dhashay wadanka Congo kaas oo lagu magacaabo Eric Mwamba waxa uu sheegay in ay jiraan dadka qaar oo lacag u baahan si ay xog kuu siiyaan waxaana haboon in la ilaaliyo dadkaasi oo aan la magacaabin xitaa hadii aad lacag bixisay.

2. Contact every side involved. Waa in aad la xiriirtaa dhamaan dhinacyada ay sheekadu quseeyso xitaa dadka galay faldanbiyeedka ee aad xogtooda baareyso waayo waa muhiim in ay qirtaan ama iska bari yeelaan .

Marka aynu intaas ka gudubno waxaa jira arimo looga baahanyahay wariyaha in uu kulansado.

1. Well developed reporting skills. Waa in uu leeyahay xirfado wax tabin ah oo aqoon salka ku haya
2. Broad general knowledge and good research skills. In uu lee yahay aqoon guud iyo xirfado wanaagsan oo ku saleysan dhanka wax barista ama xuuraansiga.

3. Determination and patience. In wariyuhu yahay mid ay arinta ka go antahay islmarkaana led dulqaad ku saabsan shaqada waayo waxaa laga yaabaa in uu la kulmo caqabado badan.

4. Fairness and strong ethics. In ay warbixntu ahaato mid cadaalad ah oo dhana u janjeerin islmarkaana xaqiiqda dibada soo dhigaeysa iyada oo la ilaalinayo anshaxa.

5. Curiosity. In wariyahu aad wax u dhuuxayo oo uu dhabo galayo waxna dhaqso o gaan karo.

Mohamed Dhoore

Hadalsame Media