”Waa sababta aan ku nacay ”kursi naageed” – Haween Kenyan ah oo kabaha la dul maray Catherine Waruguru

0

(Nairobi) 29 Luulyo 2018 – Haweenayda metesha Laikipia Woman ee Catherine Waruguru ayaa haweenka Kenyan-ka ah ka yaabsatay kaddib markii ay soo jeedisey inay gabdhuhu ka fikiraan inay nin minyaro u noqdaan halkii ay noqon lahaayeen hooyo faaruq taag ah (single mother). Halkan ka aqri sheekadii hore…

Mar ay la hadlaysay barnaamijka KTN ka baxa ee Morning Express, Waruguru ayaa dumarka ku boorrisey inay nin helaan wax kasta oo ay ugu kacdo.

“Waan ku dhiirrin lahaa dumarka Kenya ee doobka ah iyo hooyooyinka kali joogga ah inay raadsadaan nin ay xaas iyo saaxiib u noqdaan, ma aha inaan carruur ku korinno anagoo kaligeen ah (single mothers),” ayay tiri Waruguru.

HADABA SIDEE HAWEENKU U ARKEEN HADALKA WARUGARU?

I Kabelo ayaa soo qortay: “Waa maxay hooyo soko ah? Ma awal bay jirtey hooyo mataanaysan (double mothers)? Hooyo waa hooyo. Ninku naag dheeraad ah ku dari maayo. Marka ma tuurnaa magacan Single Mother waayo micne samayn maayo.”

Liz Jewel ayaa raacisay: “Tanina waa hoggaanka aan leennahay… min Gathoni Wamuchomba, Sabina Chege, Rose Museo ilaa Waruguru.. Waa murugo inay sidaa caajis u yihiin iyagoo sheeganaya inay haweenka metelaan (sic).”

Gilgamesh ayaa soo qortay: “Naagahan hoggaanka sheeganaya iyagaaba humaag ku jiraa.”

Kimberly Kimani ayaa tiri: “Tani waa sababta ay sax u tahay in laba baabi’iyo kuraasida haweenka la siinayo! Wax bilaa micne ah ayay ka sheekaynaysaa xilli uu dalkeennu wajahayo dhibaatooyin ka halisan!”

Mukami Wa Embu ayaa ku doodday: “Waruguru ma waxay u qiil dayaysaa inay guursatey nin naag kale qaba? Taasi se soow maaha sababta hoteelka looga xirtey?”

Hadalsame Media