LA YAAB: Aroos mar qura isu bedeley goob dharbaaxo & Caruusadda oo bilowday (Daawo)

0

(Mumbai) 29 Luulyo 2018 – Aroosyada Hindigu waa xaraabad miiran marka laga soo tago kharashaadka tirada badan ee ku baxa, waxaa la sameeyaa shaqooyin aad u tira badan oo dhaqan ahaan lama dhaafaan ah.

Mid ka mid ihi waa Garlaan qoorta la isu suro, balse sida muuqaalkan oo aad ugu fiday baraha ka bulshada ka muuqata, mar ay sheekadu woxoogaa isku cakirantay ayaa waxaa arrinta soo fara geliyay qaraabada.

Laba nin oo ka mid ah qaraabada ayaa sare u qaaday caruuska iyo caruusadda si ay xarig-ubaxa qoorta iskugu suraan, balse gabadha oo aan arrintaa ka helin ayaa codsatay in dhulka loo ogollaado, balse isla markii la dhigay waxay dharbaaxyo ku dhejisey ninkii qaaday.

Waxaa xigtey dhowr ilbiriqsi oo uu dadkii warkii ku dhegey dhakafaar dartii, balse waxaa ka daray ninkii oo isna inta haweenay ag taagnayd oo uu malaha fiiradeeda ka caroodey dharbaaxadii ka aarsaday iska dhaqaaqay.

Hoos ka daawo….

Hadalsame Media