Gabar horay u sheegtay inay 50 qalliin gashay si ay ugu ekaato Angelina Jolie oo arrin lama filaan ah kashiftay + Sawirro

0

(Tehraan) 29 Luulyo 2018 – Gabadhii Iiraaniyadda ahayd ee sanadkii tegey warbaahinta caalamka yakaha ku qabsatay kaddib markii ay sheegtay inay gashay 50 qalliin, si bay tiri aan ugu ekaado qalanjada Hollywood ee Angelina Jolie ayaa haatan sheegtay in waxa dhami Photoshop ahaayeen.

Sawirrada Sahar Tabar ayaa sidii dab xagaa ugu fakaday baraha bulshada, iyadoo ay dad badani hiifayeen iyagoo ku tilmaamaya ”mayd socda” iyo qof ”nolosha ka dhacday” oo jahawareersan.

Tabar ayaa markiiba caan baxday iyadoo heshay 322,000 oo raace oo kala socda koontadeeda Instagram.

Gabadhan oo haatan 20-jir uun ah ayaa se daboolka ka rogtey in waxa dhacay ay ahaayeen wax muujinaya xirfadda heerka sare ah ee ay u leedahay Photoshop-ka, isla markaana aysan jirin hal qalliin oo ay gashay iskaba daa 50 qalliine.

Hadalsame Media