DAAWO: Maxaa kala qabsaday askari ka tirsan Ilaalada Boqoradda Britan & gabar dalxiis ah!

0

(Berkshire) 25 Luulyo 2018 – Waxay ahayd arrin ka yaabisay misna ka qoslisay dalxiisayaashii goobta dhoobnaa, goortii uu askari ka tirsan Ilaalada Boqoradda ee Qasriga Windsor Castle uu iska riixay haweenay ku go’nayd halkii uu ku gaardinayay.

Haweenaydan oo dalxiis ahayd ayaa dhanka kale eegaysay, iyadoo sida muuqata aan arkaynin askariga oo kusoo beegnaa halkii ay taagnayd, waxayna ka war heshay askarigan aamusan oo kala tuuray, waloow ay ku sigatay inay dhacdase ma dhicin.

Askarigan oo aanba u dhaqmin sidii inay wax dheceen ayaa gaardigiisii iska watay isagoo ku lebbisan dharkii taqliidiga ahaa ee jaakadda cas iyo koofiyadda dufta Madax-kutiga.

Hadalsame Media