Waxqabadka muuqda ee mudane madaxyare

0

(Hadalsame) 21 Luulyo 2018 – Weriye: Madaxweyne, shantii sano maxaad qabatay?
Madaxweyne: Wallaahi wax badan…, ogow shacabka aan u taliyo waa ilaa labo milyan.

Maalintii aan imi ilaa iyo maanta qof walba oo labadaas milyan kamid ah waxaa cimrigiisa ku kordhay shan sano. Bal adigu qiyaas laba milyan oo lagu dhuftay shan waa 10 milyan oo sano.

Korriimadaas waxaan u diyaarinay nabaddii iyo deggenaantii, dhaqaalihii iyo weliba ka war-qabkii.

Tan labaad dadkii caatada ahaa waa yaraadeen oo miisaanka guud ee shacabka waxaan kor u qaadnay 12%. Soo weydii wasaaradda qorshaynta…, adduunka meel lagaa helaa ma jirto.

Weriye: Oo yacni dadku iskama korayn ee qorshe ayaa socday.

Madaxweyne: Iska kor xaggee laga helaa!

Qore: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media