Baro 15 jilaa oo caan ah oo qaba cudurro halis ah (Qaybtii 2-aad)

0

(Mumbai) 21 Luulyo 2018 – Bollywood oo ka dhisan Hindiya waa hay’adda labaad ee soo saarta aflaamta ugu badan caalamka kaddib Nollywood oo ka jira Nigeria, haddaba maxaa shaashadda qalinka ah ka shisheeya?

Waxaan halkan idiinkugu haynaa 15 jilaa oo caan ah oo aad ku taqaanno aflaamta Hindiga ah oo qaba ama uu ku dhacay cudur halis ah oo dilaa ah. Aqri qaybtii 1-aad

6 – Irrfan Khan

Wuxuu ninkani maalmihii dambe la tacaalayay cudur naadir ah oo la yiraahdo Neuroendocrine tumors (NETs) waa ugugyo dheeraad ah oo kasoo endocrine-ka oo ah midka qaada farriimaha hab-dhiska dareen wadka, waxaana dhowaanahan lagu dawaynayay New York.

7 – Amitabh Bachchan

Big B waxaa laga 10-12 sanadood kahor laga helay qayb halis ah oo ka mid ah cudurka feeraha ama TB-da, waxaa kale oo la sheegay in Cali Dheere sida ay Soomaalidu ku naanaysto uu beerkiisa ka haatan ka nool yahay wax ka yar 25%.

8 – Dharmendara (Dalaamandar)

Waxaa ninkan markii hore dhulka dhigay cudurka diiqadda nooca ugu daran kaasoo uu la hardamayay muddo 15 sanadood ah, kaddibna wuxuu dhex galay badwaynta aalkolada, yeelkeede, kaddib waa lala tacaaley isagoo haatan saaxiga keenay ilaa xad.

9 – Abhishek Bachchan

Waxaa yaraantiisii ku dhacay cudurka Dyslexia, taasoo uu qofku dhib ku muto akhrinta, qoraalka iyo higaadda farta, sida looga qiseeynayo wiilka yar ee metelaya film-ka uu sameeyay Amir Khan ee Taare Zameen Par.

10 – Rajnikant

Waxaa arbahan wayn oo ay Soomaalidu u taqaanno Vijeey ama Jeestoole, haleelay dhowr caabuq oo dhanka kelyaha ah, waxaa xitaa mar la dhigay qaybta daryeelka gaarka ah ee ICU isagoo jir ahaan iyo maskax ahaanba u daallan

La soco qayb 3-aad

Hadalsame Media