“Dee annagu Somalia waannu ku jirraa” – Faysal C Waraabe

0

(Brusells) 18 Luulyo 2018 – Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay kulan uu la yeeshay Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay inaanu shaqo ku lahayn Madaxwaynuhu Arinta Tukaraq.

Waxaa la waydiiyey Waxa uu ka doonay Shirka Arimaha Somalia, hadiiba uu sheeganayo dal gaar ah ? Wuxuuna ku Jawaabay “Anagu Soomaaliya waanu ku Jirnaa.”

Arintan ayaa imaanaysa iyadoo uu shalay Warbaahinta ka sheegay in Somaliland aysan Tamarna lahayn, dadkii ay wax la qaybsan lahaydna diidayso in lala fadhiisto ama sawir xataa lala galo.

Axmed Darwiish

Hadalsame Media