DAAWO: ”Waxaad u ekayd sidii baasto qoydey ee maxaad PUTIN ”selfie” uga codsan wayday” – Schwarzenegger oo dhulka ku jiidey Trump

0

(California) 18 Luulyo 2018 – Jilaaga Hollywood iyo barasaabkii hore ee gobolka California Governor Arnold Schwarzenegger ayaa weerar ku qaaday madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump, isagoo sheegay inuusan sugin ama lahayn kartidii Ronald Reagan.

Schwarzenegger ayaa ka mid ah dad badan oo Maraykan ah oo shacab iyo siyaasiyiinba iskugu jira oo wax laga yaqyaqsoodo ku tilmaamay hab-dhaqankii iyo bandhiggii madaxwaynaha Maraykanka ee kulankii uu Vladimir Putin kula qaatay Helsinki.


“Waxaad meesha u taagnayd sida baasto qoydey, sida wiil yar oo taageere ah. Waxaan is waydiiynayay: goorta aad waydiisan doontid saxiix ama sawir selfie ah ama wax taa la mid ah,” ayuu yiri jilaagii The ‘Terminator’ Schwarzeneggertar oo dhaqanka madaxwaynaha ku tilmaamay mid “yaxyax leh.”

Wuxuu ku eedeeyay Trump inuu u gefey Beesha Sirdoonka Maraykanka, hannaanka cadaaladda iyo dalka Maraykanka guud ahaanba intii uu shirka jaraa’id ka hadlayay, wuxuuna sheegay inuu ka dheer yahay Ronald Reagan, oo ahaa arbe soo maray xisbiga Jamhuuriga oo ay labadan ninba ka wada tirsan yihiin, isla markaana uu Trump jecel yahay inuu is barbardhigo.

“Maxaa kaa khaldan? Aaway erayadii xoogganaa ee Ronald Reagan, markii uu ag istaagey derbigii Berlin ee yiri: Mr. Gorbachev, dumi derbigan? Maxaa taana helay?” ayuu is waydiiyay Schwarzenegger oo ay muuqaalkiisa u riyaaqeen in ka badan 40,000 oo qof, 13,000 oo jeerna lasii faafiyay.

Hadalsame Media