DAAWO: ”Ma aaminaysid waxa aan kusoo aragnay SOMALIA!!!

0

(Muqdisho) 17 Luulyo 2018 – Muuqaalkan waxaa soo sameeyay laba nin la yiraahdo Luke Rudkowski oo ka tirsan WeAreChange oo la safraya Jeff Berwick oo ka tirsan Dollar Vigilante, kuwaasoo iyagoo ku howgelaya magac weriye, tegey magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

Labada nin oo sheeganaya inay soo werinayaan wax aan cidina horay u sheegin, ayaan yeelkeede waxba ka duwanayn dadka kale ee reer Galbeedka ka socda ee aan abid khayr ka werin dalalka ay dunida 3-aad u yaqaannaan.

Berwick ayaa leh: ”Haddaan halkan hal sano joogana waxba kama fahmeen”, halka uu midka kale oo ah Rudkowski oo warka bilaabayaa uu leeyahay: ”Meeshani ama sida la sheegayo ayay u xun tahay, ama aad bay uga fiican tahay.”

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Hadalsame Media