DAAWO: Gabdhaha AC Milan oo tababarkoodii abid ugu horreeyay sameeyay + Sawirro

0

(Milano) 17 Luulyo 2018 – Waxaa si rasmi ah tababarka u bilowday kooxda gabadhaha ee AC Milan Femminile, kuwaaso ay tababare u tahay Carolina Morace.

AC Milan ayaa sanadkan markii ugu horreeysey yeelatay farac gabdho ah oo kubadda cagta ah, iyadoo iibsatey gabdhihii Brescia, waxayna tababarka ka bilaabeen Centro Sportivo Vismara Sports.

Gabdhaha oo tababarkooda sii wadan doona ilaa 27-ka Luulyo, ayaa u amba bixi doona Valle d’Aosta Arbacada berri ah.

Hadalsame Media