Baro 5 jilaa oo Hindi ah oo iyagoo da’yar geeriyoodey! (Qaybtii 2-aad)

0

(Mumbai) 15 Luulyo 2018 – Waxaa jira jilayaal Bollywood ah oo iyagoo yar xijaabtey. Waxay qaarkood geeriyoodeen xilli ay waayohohooda jilliin meesha ugu sarreeysa marayeen. Haddaba waxaannu idiin haynaa 5 ka mid ah jilayaashaas oo qaarkood aanba si fiican loo baranin markii ay dhimanayeen. Qaybtii hore aqri.

Madhubala

Madhubala waxay ahayd qalanjo la qirsanaa. Waxay ku dhimatay gugii 36-aad, 1964-kii, balse waxaa weli nool raadadkii ay uga tagtay Bollywood, iyadoo sababsatay bukto dhanka wadnaha ah oo aan dawo loo heli jirin xilligeedii.

Guru Dutt

Waxay ahayd Oktoobar 10, 1964, markii isagoo mayd ah guri uu ijaar ku degganaa laga helay Guru Dutt, wuxuu xilligaa ahaa 39-jir. Sida la sheego isaga ayaa is diley oo wuxuu isku qastay aalkolo iyo kaniiniyaasha hurdada oo tiro badan.

Soundarya

Waxay ahayd jilaayad Hindi ah iyo weliba soo saare, waxay aad caan uga ahayd Sineemooyinka koonfurta Hindiya, waxayna qalanjo ka ahayd film-kii Amitabh Bachchan keenay 1999-kii ee “Sooryavansham”.

Soundarya waxay ku dhimatay shil dayiiradeed meel u dhow Bangalore markii ay taariikhdu ahayd 17-kii Abriil 2004. Waxay ahayd xilli ay markaa uun hawada geleeysey mihnaddeeda jilaannimo, loona badinayay inay aflaam badan keeni doonto.

Dhamaad.

Hadalsame Media