Salman Khan oo xeelad la yaab leh ku heshiisiiyay Katrina Kaif iyo Jacquline Fernandez!

0

(Montreal) 13 Luulyo 2018 – Bandhigga uu Salman Khan haatan ka samaynayo Maraykanka iyo Canada ayaa dhan aan ahayn midkii caadiga ah guul ka keenay, waana markii uu Salman ku guulaystey inuu heshiisiiyo labada gabdhood ee ay asxaabta yihiin, balse uu dagaal bisadeedku ka dhexeeyay ee Katrina Kaif iyo Jacquline Fernandez.

“Salman wuxuu la fariistay hal fiid, isagoo xitaa ugu hanjabey inuu qol ku wada xirayo labadooda oo aanu ka furaynin ilaa ay ka heshiiyaan, sida uu hadda kahor yeelay Jeetendra (Faaris) oo qol ku wada xirey Sridevi iyo Jaya Prada, balse hoowshaa oo dhan looma baahanin oo hab ayay isa siiyeen Katrina iyo Jacqueline, haddana iyagaaba dadka iskugu badan,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka bandhigga la wada Salman.

Horraantii, Earlier, Katrina iyo Jacqueline xitaa isma salaamaynin, balse taasoo jirta, misna maaddaama ay xirfadlayaal yihiin, ma saamaynin ka qayb galkooda bandhigga oo ay si qurux badan isula gudanayeen.

Hadalsame Media