Baro 5 jilaa oo Hindi ah oo iyagoo da’yar geeriyoodey!

0

(Mumbai) 13 Luulyo 2018 – Waxaa jira jilayaal Bollywood ah oo iyagoo yar xijaabtey. Waxay qaarkood geeriyoodeen xilli ay waayohohooda jilliin meesha ugu sarreeysa marayeen. Haddaba waxaannu idiin haynaa 5 ka mid ah jilayaashaas oo qaarkood aanba si fiican loo baranin markii ay dhimanayeen.

Divya Bharti

Da’deedu 19 jir unbay ahayd markii ay geeriyoonaysay. Divya waxay sidoo kale haysataa rikoodhka samaynta 14 filim muddo sanad ah. Waxaa la sheegay inay kasoo faniintay balkoonaha gurigeeda, balse kiiskeeda ilaa maantadan meel cad lama saarin oo mugdi baa ku jira.

Smita Patil

Smita Patil waxay geeriyootey iyadoo 31 jir ah oo mareeysay figta sare ee waayeheeda jilliin. Waxay u geeriyootey bugto ay ku dhalatay waxaana markii dambe fasasay nabad kasoo baxay. Waxaa la sheegaa inay jirtey yareeysi iyo dayacaad sababtay in markii dambe wax laga qaban waayo.

La soco qayb kale…..

Hadalsame Media