XIDDIG XAKAAR MARAY: Markii uu 6-jir ahaa awoowgiina waa la khaarajiyay isna waa la qixiyay + Sawirro

0

(Modrici) 12 Luulyo 2018 – LUKA Modric wuxuu soo maray nolol aad u adkayd kahor inta aanu bilaabin u ciyaarista sida xirfadlaha caalamiga ah ee maanta caanka ku ah kubadda cagta, isla markaana taagan final-ka Ciyaaraha Adduunka.

Markii uu kabtanka Croatia 6-jir ahaa, jiritaankiisa oo idil waxaa ruxay toogashada awoowgii uu jeclaa oo ay khaarajiyeen kooxo burcad ah xilligii uu socdey dagaalkii Yoguslavia, waxaana khasab ku noqotay inuu ku noolaado xero qaxooti oo ku taalla dalkiisa ay dagaalladu diloodeen.

Balse tiiyoo ay arrintaa adagi jirto, taasi kama hor istaagin inuu wiilkan yari hamiggiisa ka mira dhaliyo, isagoo maanta kubadda cagta ka noqday arbe caalami ah isagoo 32 jir ah.

Bishii Diseembar 8, 1991, intii uu socdey dagaalkii lagu ba’ay ee Balkan-ka, malliishiyo hubaysan oo xag-jir ah oo u dhashay Serbia ayaa weerar ku qaaday tuulada Modrici, oo ah xaafad yar oo garabka ku haysa buuraleeyda Velebit ee woqooyiga Dalmatia waxayna hilfaha u qaadeen qoysaskii Croatian-ka ahaa ee aan qixin.

Dadkii maalintaa la diley waxaa ka mid ah Luka Modric Snr, awoowaha Modric oo goosin lo’ ah oo uu wadey marsiinayay jid cidlo ah markii ay hareereeyeen guruub ka kooban Serbian waddani ah kuwaasoo si xil leh u diley isaga iyo 5 kale oo isla dadkii tuulada ah.

Ujeedku wuxuu ahaa in farriin loo diro dadka deggan Modrici si ay uga qaxaan tuuladaasi, balse taasi waxay galaafatay awoowaha laacibka marka dambe khadka dhexe uga dheeli doona Real Madrid.

La soco qayb 2-aad….

Gurigii Modric uu kusoo barbaaray