Kenyata oo khilaaf aan jirin Somalia ka allifey mar uu la kulmay jeneraal Maraykan ah!

0

(Nairobi) 12 Luulyo 2018 – Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in kulan uu la qaatay jeneraal Thomas Waldhauser, oo ah taliyaha taliska saldhigga US-Africa Command ay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin Somalia iyo South Sudan.

Intii uu kulanku socdey madaxwayne Kenyatta oo sheegtay inuu safka hore uga jiro nabad kusoo dabaalidda laba dal oo Bariga Africa ah sida Somalia iyo South Sudan, ayaa sheegay inay sii xumaanayso sida uu yiri kalsoonida maamul-goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Somalia.

“Xaaladda kasii dareeysa ee dowladda KMG ah ee federaalka iyo maamul-goboleedyadu waxay nagu haysaa walaac wayn,” ayuu yiri Kenyatta oo aan la hubin inuu TFG weli u yaqaanno dowladda Somalia oo aan iminka KMG ahayn iyo in uu khaladkaa u qoray webka Capital FM, waxaan kaloo iminka jirin xasarad laga warqabo oo dhextaalla dowladda dhexe iyo gobollada.

Jeneraal Waldhauser ayaa isagu arrinta dhan kale ka eegay isagoo tibaaxay in dhibaatada ay qayb ka tahay xasaradda ka taagan gobolka Khaliijka, isagoo sheegay in ay Somalia taageerayaan haddii ay waydiistaan.

Wuxuu kaloo sheegay inay sii wadayaan taageerada iyo tababarka ciidamada Xoogga Somalia ee SNA, isagoo dowladda ka rajeeyay inay la yimaadaan qaab dhismeed wax ku ool ah oo ay si firfircoon ugu shaqayn karaan ciidamada Somalia.

Hadalsame Media