Hindiya oo boos muhim ah ka RIIXATAY Faransiiska! (Waa maxay?)

0

(Delhi) 12 Luulyo 2018 – Dalka Hindiya ayaa noqday midka 6-aad ee dunida ugu dhaqaale badan, taasoo ka dhigan inuu meesha ka saaray Faransiiska oo booskaa awal ku jirey oo haatan 7-aad ka dhacay, sida uu sheegayo Bankiga Adduunku.

Koritaanka guud ee wax soo saarka maxalliga ah (GDP) ee dalka Hindiya ayaa ka sare maray $2.597 tarilyan oo doollar dhamaadkii 2017, marka loo eego France oo ah $2.582 tarilyan.

Hindiya ayaa 10-kii sanee tegey laba laabtay GDP-geeda, balse maaddaama uu dadkeedu caga cagaynayo 1.34 bilyan qofood, taasoo 20 jeer ku jibbaaranta dadka Faransiiska, waxay ka dhigan tahay in heerka nololeed ee Faransiisku uu aad u dhaamo tan Hindiya.

Yeelkeede, waxaa la rajaynayaa in dhaqaalaha Hindiya uu kobci doono 7.3 boqolkiiba labada sano ee soo aaddan, taasoo ka dhigaysa dhaqaalaha ugu koritaan badan caalamka, weliba ku darsoo Bankiga Adduunku wuxuu saadaalinayaa inay boqolleeydu noqon doonto 7.5% inta u dhaxaysa 2019-20.

Hadalsame Media