TOBANKA SARE: Ka bogo 10-ka laacib ee ugu qaalisanaa horyaalka Talyaaniga? + Sawirro

0

(Roma) 11 Luulyo 2018 – Laacibka adduunka ee Cristiano Ronaldo ayaa ku biiray kooxda Juventus iyadoo Isniinta laga sugayo magaalada Torino si uu caafimaadka ugu maro kooxdiisa cusub.

Laacibkan ayaa Talyaaniga ku yimid lacagtii ugu badnayd ee ay abid koox Talyaani ihi laacib kusoo iibsaro taasoo ah 117 milyan oo euro, waxayna jebinaysaa isla rikoodh ay horay u dhigtay kooxda Juve oo 2016-17-kii 90 milyan kusoo iibsatey Gonzalo Higuain.

Haddaba, waa kuwee 10-ka laacib ee abid lacagta ugu badan lagusoo iibsadey horyaalka Talyaaniga? Hoos ka eeg.!

1. Ronaldo – (Juventus – 18/19): 117 milyan oo euro

2. Higuain (Juventus – 16/17): 90 milyan oo euro

3. Crespo (Lazio – 00/01): 56,81 milyan oo euro

4. Buffon (Juventus – 01/02): 52,88 milyan oo euro

5. Mendieta (Lazio 01/02): 48 milyan oo euro

 

6. Vieri (Inter – 99/00): 46,48 milyan oo euro

7. Bonucci (Milan – 17/18): 42 milyan oo euro

 

8. Rui Costa (Milan – 01/02): 42 milyan oo euro

9. Thuram (Juventus – 01/02): 41,5 milyan oo euro

10. Cancelo (Juventus – 18/19): 40,4 milyan oo euro

Hadalsame Media