QISO QIIRA LEH: Lamaanihii MIYIRKA la’aa!!

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2018 – Samade, wuxuu soo dhamaystay cilmiga Applied Physics, oo uu ka baran jiray jaamacadda Nigerian University, ka hor inta uusan haleelin xanuun maskaxda ah (Waali).

Samade wuxuu ahaa shakhsi aad looga jecelyahay magaaladiisa, maadaama xanuunka dhimirka ah ee haleelay uusan wada seejin hibooyinkiisii uu lahaa.
Wuxuu heesi jiray oo ciyaari jiray (qoob ka ciyaar) isaga oo aan haysan Miyuusik, taasoo dadka daawadaa aad uga heli jireen.

Samade waxaa jacayl dhex maray haweenay dhimir la’ iyaduna.

Samade iyo Cynthia, waxay si wada jira ugu noolaayeen Buush (Cooshad) ay iyagu samaysteen, oo ku taalaa buundo caan ka ah magaalada ay joogeen.
Waxay halkaas isku wehelinayeen muddo laba iyo labaatan sano ah.

Waxaa marar badan la arki jiray iyaga oo qaylinaya murmayana, hase yeeshee qofna ma garanayn sida ay u xalistaan khilaafkooda.

Nasiib darrada Samade iyo Cynthia u dheerayd taas waxay ahayd inaanay isku luuqad ku hadli jirin (Luuqada maxalliga ah); maadaama ay kasoo kala jeedeen laba gobol oo kala duwan.

Lamaanahan qurxooni waxay heleen saddex caruur ah mudadii ay isu dhaxayeen.

Waxay mudadaa dheer wada noolaayeen caruurtana wada dheleen iyaga oo aan lala farxin, aroos loo dhigin, aqal loo sharaxin, hadyad iyo tahniyadna aan cidna ka helin.

Samade iyo Cynthia waxay ahaayeen Romeo iyo Jullietka aduunkooda u gaarka ah.
Way xanuunsanaayeen laakiin way isku qanacsanaayeen, waxaa la arki jiray iyagoo is shuminaya, laabta is galinaya isna waydaarsanaya dareen jacayl.

Waxay wadaageen wax walba. Waxay u wada qubaysanayeen wadajir, waxay u wada ciyaarayeen wadajir, waxay wax u wada cunayeen wadajir, waxay martidooda u maaweelinayeen wadajir waxayna u wada qoslayeen wadajir.

Nasiib darro, lamaanahan qurxooni muddo toban sano ah ma wada joogaan, walow aanay isfurin kalana guurin.
Samade wuxuu geeriyooday 24/July/2007, Cynthiana isla sanadkaas 3dii/ September ayay adduunka ka dhamatay.
Caruurtoodi waxaa kafaala qaaday qoysas deeganka la wadaagay.

Waxay u xanuunsanayeen wadajir.
Waxay u wada noolaayeen wadajir.
Waxayna u wada dhinteen wadajir.

Jacaylku ha waaro.

Hadalsame Media