DHEGEYSO: Shaqa la’aanta dhallinyarada Sweden oo aad hoos ugu dhacday

0

(Stockholm) 11 Juun 2018 – Shaqa la’aanta dhallinyarada ee dalkan Sweden ayaa aad hoos ugu dhacday iyadoo gaartay heerkii ay joogtey markii ay dhacaysay qaaquulladii dhaqaale ee 2008-dii, sida ka muuqata tirakoob cusub oo ay samaysay hay’adda shaqaalaynta fududaysa ee Arbetsförmedlingen.

Bishii Maajo waxay shaqa la’aanta dhallinyaradu ka hooseeysey 8.2%, iyadoo bishii Juun ahayd 8.6%, sida ka muuqata hay’addan heerka qaran ee shaqada u qaabilsan Sweden.

Waa heerkii ugu hooseeyay ee ay boqollaydaasi gaarto tan iyo ka hor xasaraddii dhaqaale ee galbeedka ku dhufatay Juun 2008, goortaasoo ay muddo sanad ah laba laabantay shaqa la’aanta dhallinyaradu.

“Shaqa la’aantu iminka dhowr sano aad bay hoos ugu dhacaysay, waxayna iminka gaartey meel aad u hooseeysa dhanka dhallinyarada iyadoo ku sugan halkii ay joogtey kahor xasaraddii dhaqaale,” ayuu yiri Andreas Mångs, oo ah falanqeeye ka tirsan xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen.

Xitaa guud ahaan shaqa la’aanta Sweden ayaa aad hoos ugu dhacday, tusaale ahaan bishii Juun waxay ahayd 6.8%, marka la barbar dhigo sanadkii hore oo ay ahayd 7.2%.

Bale wuxuu farqi aad u wayni u dhexeeyaa da’yarta ku dhalatay gudaha Sweden iyo kuwa ku dhashay dibedda ee deeto dalkan yimid.

Kuwa ku dhashay Sweden waxay bishii Juun shaqa la’aantu ahayd 3.5% oo ah heer aad u hooseeya, halka shaqa la’aanta dhallinyarada dal kale ku dhalatay ay cagacagaynayso 20%.

– Xitaa kuwa dibedda ku dhashay haatan shaqa la’aantu way sii hoobanaysaa labadii bilood ee ugu dambeeyay, waana horumar togane ah. Waxaan sidoo kale aragnaa dad badan oo u gudbaya shaqo ama waxbarasho kaddib marka ay dhamaystaan baraamijka dejinta. Halkaasoo aannu horumar wayn uga jeedno nus-sanadkii ugu dambeeyay” ayuu yiri Andreas Mångs.

 

Hadalsame Media