DAAWO: Nin sheegtay inuu yahay ”Ciisal Masiix” oo soo baxay oo Ciraaq lagu qabtay!

0

(Baqdaad) 11 Luulyo 2018 – Dalka Ciraaq ayaa lagu qabtay nin soo duubay farriin muuqaal ah, kaasoo uu ku sheeganayo inuu yahay Ciise (CS) oo soo noqday isagoo kaddib baraha bulshada geliyay.

Beenaalahan ayaa sheegtay in loosoo diray sida uu yiri inuu cadaalad ka oogo dunida, waxaana markii dambe ay booliisku qabteen nin lagu magacaabo Hashim Jabbar kaasoo lagu tuhmayo inuu yahay ninka warkan soo duubay, waloow aysan dadku warkiisa ah inuu yahay ”Masiix” marna run u qaadanin.

Dalka Ciraaq oo ay dhibaatooyin ka dhigayaan dagaallo sokeeye oo halkaa ka holcayay tan iyo 2003-dii ayay marar badan soo baxaan dad wax sheeganaya, xitaa doorashadii baarlamaaniga ahayd ee ugu dambeeysey nin baa sidan oo kale laga soo sheegay.

Hadalsame Media