CODSI CEEBEED: ”Wuxuu igu yiri mar kasta waan ku ridayaa haddii aadan i af garan!!” – Macallimiin godob ka gala gabdhaha + Maqal & Muuqaal (Qaybtii 2-aad)

0

(Mabuto) 01 Luulyo 2018 – Sanaddii 2008, Wasaaradda Waxbarashada Mozambique ayaa daraasad ku heshay in 70% ay gabdhaha dugsileeyda ihi ka war qabaan in ay jiraan macallimiin cadaadiya ardayda si ay ula seexdaan, sida ay werisay SBS reports.

Sidoo kale 54% ka mid ah haweenka Mozambique ayaa sheegay inay la kulmeen tacaddiyo jinsi la xiriira ama xitaa kuwo jireed, sida ay QM daraasad ku sheegtay 2009-kii.

Balse waxaan saamigaas u dhigmin oo aad u yar saamiga inta qof ee ku kacay fal-dembiyeedyada aan soo sheegnay ee ka dhacaya iskuullada oo loo xirey ama loo soo gole joojiyay qofkii ku kacay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO….

“Inaad hesho qof arrintaa loo dacweeyay ku dhowaad waa eber,” ayay tiri King oo dokumenteriga soo saare ka ah.

Waloow ay ahayd inay dugsiyadu noqdaan meel ay ku badbaadaan oo soo magan galaan ardaydu, misna Mozambique oo dagaal sokeeye kasoo kabanaysa weli dad badan baa halis ku jira.

Yeelkeede, tan iyo markii film-kani soo baxay waxaa khabar wanaagsan ah in uu iskuulkii uu ka tirsanaa baaris ku sameeyay macallinka ridey Maria, kaasoo iskuulkii laga rukhseeyay. ”Waa nefis wayn” ayay tiri King.

*Maria waa magac allifaad ah sababo amaan dartood.

Dhamaad

Kiki King, soo saaraha filimka

Hadalsame Media