PSG oo Manchester United kula hardamaysa daafaca Leonardo Bonucci

0

(Milano) 01 Luulyo 2018 – Kabtanka kooxda AC Milan ee Leonardo Bonucci kaliya bartilmaameed uma aha Manchester United, balse waxaa sidoo kale dhanka PSG uga gacan haadinaya saaxiibkii Gigi Buffon.

Daafacan ayaa sanadkii tegey si la yaab leh ugasoo wareegay kooxda Juventus isagoo AC Milan ku yimid €42m oo euro taasoo markiiba farta ka saartay kabtannimada kooxda, yeelkeede, kaddib markii Milan laga saaray Europe sababo la xiriira ku tumashada Financial Fair Play, laacibiinta qaar ayaa tegi kara, waloow uusan weli jirin laacib sidaa codsaday.

Bonucci ayaa horay loola xiriirinayay Manchester United, balse warsidaha Le Parisien ayaa haatan safka kusoo daraya kooxda Paris Saint-Germain, wuxuuna xitaa sheegay in gaashaankan 31-jirka ihi uu durba mabda’ ahaan ogolaaday inuu ku biiro kooxda PSG, si uu ula midoobo Buffon oo ay Juve wada joogi jireen, halkaasoo uu sidoo kale ka cayrsan karo riyadiisa ku aaddan hanashada Champions League oo aysan labadoodu abid qaadin.

Hadalsame Media