DHEGEYSO: Sidee shacabka Somaliland uga qaybgeli karaan doorashada Somalia 2020? (Waraysi kulul)

0

(Muqdisho) 30 Juun 2018 – Doorsashada Soomaaliya ee 2020-ka ayaa waxaa lagu heshiiyay in ay ku dhacdo nidaamka doorasho wakaalad saamiyeed ama “proportional representation”.

Nidaam-kan doorasho waa nidaam xisbi ah, waa nidaam qof iyo cod ah, waxaa lagu doortay golaha baarlamaannada in ka badan 90 dal oo caalamka ah, waxaa lagu maamulaa dalal badan sida Ciraaq, Turkiga, Jarmalka, Spain, Lebnon, Brazil, Argentina, Angola, Algeria, Mozambique, Namibia iyo South Afrika.

Haddaba, sidee tusaale ahaan shacabka Somaliland oo sheegata inay Somalia inteeda kale ka go’day uga qaybgeli karaan doorashadan, maaddaama la bedeley qaabkii dad lasoo xulay ay ku meteli jireen baarlamanka dhexe oo haatan loo wareegayo doorasho.

Wariye Xamdi Kadiye oo ka tirsan Universal TV, ayaa su’aalo arrintaa la xiriira hordhigtay Maro Xaliimo Yareey oo ah Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya ee hoos ka dhegeyso.

Hadalsame Media