DAAWO: Dagaal bisadeed ka dhex qarxey Katrina Kaif & Jacqueline Fernandez (Salmaan Khan oo ku dhex jira)

0

(New York) 30 Juun 2018 – Dagaal bisadeed u dhexeeya labada qalanjo ee Jacqueline Fernandez iyo Katrina Kaif oo qayb ka ah Dabangg World tour ayaa la sheegay inuu faraha kasii baxayo, ilaa heer ay gaaraan inaysan isla hadlin, isla markaana ay diideen inay hal hoteel wada joogaan.

“Wareejinta film-ka Salman Khan ee Dabangg ayaa ka bilowday Maraykanka, balse waxaa is qaniinsan Jacqueline Fernandez iyo Katrina Kaif. Waxay ka wada tirsan yihiin kooxda bandhigga ka samaynaysa Maraykanka iyo Canada balse isma arki karaan,” Ayuu qoray Mid- Day.

Labada atirisho ayaa aad u kala fogaanaya, halka Salman uu isku deyayo inaysan taasi saamaynin bandhigga Dabangg World tour, waxaana lakala dejiyay laba hoteel oo kala fog, iyadoo la rumaysan yahay in dagaalka qaboow ee labada gabdhood ka dhexeeya uu salka la gelayo isla Salmaan.

Faahfaahin dheeraad ah la soco…

Hadalsame Media