LA YAAB: Taageerayaasha Nigeria oo ku go’doomay gudaha Ruushka!

0

(Kaliningrad) 21 Juun 2018 – Qiyaastii ilaa 100 taageere oo Nigerian ah ayaa ku go’doomay magaalada  Kaliningrad kaddib guuldarradii Croatia, taasoo loo sababeeyay fiise la’aan.

 

Taageerayaasha badankoodu waxay qorshaynayeen inay TAREEN kasoo qaataan magaalada Kaliningrad si ay ugu laabtaan Moscow kaddib guuldarradii Super Eagles oo 2-0 loogu awood sheegtay balse ma haysanin fiisayaashii ay ku mari lahaayeen dalalka yar yar ee Lithuania iyo Latvia.

Saraakiil Ruushan ayaa usoo istaagey inay farsamo ahaan caawiyaan, yeelkeede, waxay u jareen tigidho qaali ah oo halkii jid oo horujeed ihi ku kacayo 28,000 Rubles ($442), taasoo ay taageeraayasha qaar diideen.

Hadalsame Media