”Ramos ayaa u sabab ah dhaawaca macallinka Ingiriiska”

0

Kabtanka Spain ee Sergio Ramos ayaa markale soo jiitey dareenka dadka Twitteratti-ga, kaddib markii la sheegay inuu garabka ka dhaawacmay macallinka England ee Gareth Southgate.


Macallinka England ayaa la sheegay inuu garabka ka dhaawacmay mar uu ordayay Arbacadii shalay, laba beri uun kaddib markii uu xulkiisa Seddexda Libaax 2-1 uga badiyay Tunisia, ciyaar bilowgoodii Guruub G oo ka dhacday Volgograd Arena.

Adeegsadayaasha Twitter-ka, ayaa markiiba bilaabay inay ku kaftamaan inuu dhaawacan ka dambeeyo Ramos oo Mohamed Salah bishii Maajo Champions League final oo ka dhacay Kiev ugu gaystay dhaawac garabka ah kulankii Liverpool vs Real Madrid.


Hadalsame Media