(Seatle) 21 Juun 2018 – Kaddib markii ay raashinka dhamaysteen, wuxuu adeegihii siiyay 5 doollar oo baqshiis ah…Adeegihii ayaase dareen la yaab leh baqshiiskaa ka muujiyay.
Gates oo dareemay inuu saluug jiro baa ogaal waydiiyay: ”Maxaa dhacay?”
Adeegihii ayaa yiri: ”Waan yaabay uun, waayo isla miiskan gabadhaada ayaa baqshiis ahaan ii siisay 500 oo doollar, adiga oo aabeheed ah, ninka aadduunka ugu taajirsanna, waxaad soo taagtey 5 doollar”.
Gates ayaa inta muusooday ugu war celiyay: ”Iyadu waa gabadha ninka dunida ugu taajirsan, balse anigu waxaan ahay wiilka oday alwaax jare ahaa”.
Dulucda sheekada: Marna ha ilaawin beryihii kusoo maray, waa barahaaga ugu bilan.
Hadalsame Media