Haamo la sheegay inay kusoo caariyeen xeebta Liido oo noqday wax ka fog wixii loo maleeynayay + Sawirro

0

(Muqdisho) 21 Juun 2018 – Waxaa magaalada Muqdisho la isla dhex marayay war sheegaya in haamo sun halis ihi ka buuxdo ay kusoo caariyeen xeebta Liido.


Dadka qaar oo arrrintaa ka walaacsan ayaa xitaa dowladda ku eedeeyay inaysan arrintaa si wanaagsan ugu gurmanin oo wax uga qabanin.

Yeelkeede, Sharikadda Shidaalka Soomaaliyeed ee Somali Fuel Company oo fadhigeedu yahay Kaydkii Shidaalka Somalia ayaa sheegtay in aysan waxaasi aysan ahayn haan soo caaridey iyo sun toona balse ay tahay waxa loo yaqaanno Mark Bouy oo ah baroosin sabbeeya oo loogu tala gallay in ay maraakiibtu ku xirtaan marka ay joogaan agagaarka dekedda.

”Fadlan hantida shidaalka yaan siyaasad loo adeegsanin” ayaa lagu yiri war kasoo baxay shirkaddan shidaalka soo dejisa.

Hadalsame Media