DHEGEYSO: Lamaanihii xalay Garoowe ku guursadey oo durba laga qaylisiiyay (Waxyaabo badan oo ay ka jawaabeen)

0

(Garoowe) 21 Juun 2018 – Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka dhacay xafladda arooska  Mudane Yaazeem Brandom Clem iyo Marwadiisa Ramla Abdi Ali oo ah lamaanayaal u kala dhashay dalalka Somalia iyo Maraykanka.

Yeelkeede, dad wax magarato ah ayaa aad u qaadaa dhigay arooska lamaanahan iyagoo mar duraya arooska oo ay xitaa danaysi iyo lacag raadis ku tilmaameen, marna ceebaynaya ninka guursadey gabadhan Soomaaliyeed oo ay qaarkood baaris ugu dhaqaaqeen waayihiisa nololeed.

Haddaba, Yaaseem iyo xaaskiisa Ramlo ayaa ku khasbanaaday inay u jawaabaan dadka ku mashquulsan noloshooda gaarka ah ee ay iyaga uun xaqa u leeyihiin inay go’aamiyaan, waxayna aad u dhaliileen dadka daba dhigtay iyagoo dhanka kale tibaaxay inay ku faraxsan yihiin dookhooda. Halkan hoose ka dhegeyso.

 

Xigasho: Tiyaatar Pro

Hadalsame Media