DAAWO: Taageerayaal Ingiriis ah oo sameeyay FAL damqiyay boogaha Ruushka!

0

(Volgograd) 21 Juun 2018 – Waxaa internet-ka lasoo dhigay muuqaal muujinaya taageerayaal Ingiriis ah oo sameeynaya salaantii cunsuriyiinta Nazi-ga, isla markaana qaadaya heeso Nazi ah, iyagoo ku sugan magaalada Volgograd ee Ruushka, oo ah meel uu Nazi-gu 2 milyan oo qofood ku diley dagaalkii 2-aad ee dunida.

Muuqaalkan oo la duubay kaddib kulankii ay England 2-1 uga badisay Tunisia 2-1 oo ku qabsoontay Volgograd Arena Isniintii, ayaa waxay qaadayeen heeso lagu amaanayo Hitler iyo Nazi-ga sida “Sieg Heil” iyo kuwo lagu sharfayo Third Reich ama taliska 3-aad oo ay magacii ay Nazi-gu dowladdooda u yaqaanneen.

Baarka muuqaalkan laga qabtay ayaa lagu sheegay ‘Galereya Pub’ oo ku yaalla Volgograd, waloow ay shaqaalaha goobta oo qiraya inay yimaadeen taageerayaal Ingiriis ihi ay misna dafireen inay wax kala socdeen falka ay ku keceen oo ay video ka duubeen.

Hadalsame MEDIA