ARG VS CRO 0-3: Croatia oo Argentina oo si xil leh u jiiddey + Sawirro

0

(Novgorod) 21 Juun 2018 – Xulka Argentina  oo dufcaddii hore final-ka yimi sanadkanna ka mid ahaa xulalka loo saadaalinayay KA2018 ayay rajadiisa soo bixitaanku ceel kusii hoobanaysaa.


Xulka Argentina oo ciyaartii 1-aad 1-1 la dhaafi waayay dalka yar ee Iceland ayaa markan guuldarro culus oo bahdil ah kala oo 3-0 ah kala kulmay xulka Croatia.

Leo Messi ayaa sii wada niyad jabka laacibkaasi ka haysta ciyaaraha caalami oo uu ilaa hadda ku sari la’yahay koob wayn oo caalami ah, tiiyoo uu ku guulaystey koob kasta oo heer kooxeed ah.

Xulka Argentina oo ugu yaraan 30-kii sano ee lasoo dhaafay mar kasta ahaa xul aad u xiddigo badan ayaan la fahmi karin sababta ay ciyaartiisu isu qaban la’dahay. Argentina waxaa haatan u harsan Nigeria oo aan iyaga ka rajo yarayn, halka Croatia ay usoo baxday wareegga xiga.

Hadalsame Media