NABSI: Mahad Cabdalla oo laba af ku kala hadlay markii ay AMISOM shacabka LAYSAY & markii ay isaga LUG GOYSEY! (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 20 Juun 2018 – Guddoomiye Xigeenka Labaad ee Baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa la sheegay in loo diidey inuu galo gudaha garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Haddaba, Mahad oo arrintaa u arkay bahdilaad loo gaystey qiyamka iyo xasaanadda uu leeyahay ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu arrintaa uga cabanayo, isagoo sida muuqata ka xanuunsaday in safar laga baajiyay, waloow uusan carrabaabin sababta farsamo ee ay taasi ku dhacday.

Yeelkeede, horraantii sanadkii hore, isla Cawad ayaa isagoo u muuqda nin difaacaya dad Soomaaliyeed oo dhowr mar lagu dardaray ama lagu diley meelo ka tirsan Somalia, gaar ahaan Muqdisho, ayuu si jees jees ah oo dhoollacaddayni wehliso ku sheegay inaan arrintaa la ”buunbuunin” ama aan wax wayn laga soo qaadin, isagoo ”shil caadi ah” ah ku tilmaamay, weliba ari Carbeed soo hadal qaaday iyadoo la waydiinayay 10 qof oo xilligaa ay dardartay gawaarida qafilan ee AMISOM oo aan marar badan xitaa u istaagin.

Ha yeeshee, maanta markii isaga loo gaystay arrin middaa uu sahashanayay aad uga fudud, wuxuu ilaaway soo jeedintiisii hore ee ahayd in aan ”laga qaylin oo aan wayn laga dhigin” si aysan uga ”faa’iidaysanin” Al Shabaab, taasoo muujinaysa in siyaasiyiin ay kaliya naftooda metelaan.

Halkan ka DHEGEYSO Cawad oo si aanay damqasho ka muuqanin uga jawaabaya dhibaatada AMISOM shacabka u gaysatey….

 

Halkann ka dhegeyso CAWAD oo afka furtay markii ay AMISOM isaga wax u dhintay…..

 

Hadalsame Media