MURUGO: Imaaraadka oo xabsiyo “Abu Ghraib” oo kale ah ka samaystay Yemen (Tacaddiyo dhaca kuwii ugu xumaa oo laga soo sheegay!)

0

(Cadan) 20 Juun 2018 – Ciidamada Imaaraadka ee ku sugan dalka Yemen ayaa la sheegay inay halkaa ka sameeyeen xabsiyo la mid ah “kuwii Abu Ghraib”, oo dadka ku bahdilaan kuna ciqaabaan, iyagoo dadka qaar xubnaha taranka koronto uga qabtay, qaarna kufsi u gaystay, sida ay qortay Wakaaladda Wararka AP.


AP ayaa heshay sawirro gacmaha lagu sawiray oo muujinaya qaar ka mid ah tacaddiyada ka dhacay xabsiyadan.

Baaritaan ay samaysay isla wakaaladdan ayaa muujinaya warar laga qabtay dad marqaatiyaal ah sheegay in dadka la iska hayo iyadoon wax maxkamad ah la saarin, ilaa 5 xabsi oo ay Imaaraadku maamulaan oo 4 ka mid ihi ku yaallaan magaalada dekedda ah ee Cadan.

Ciidamadan Imaaraadka oo ay u badan yihiin CALOOSHOOD u shaqaystayaal COLOMBIAN ah, isla markaana ay la shaqeeynayaan kuwo Yemeni ah ayaa dadka u gaysta nooc kasta oo ciqaab, xanuujin iyo bahdil ah, iyadoo ay sida ay warbixintan ku sheegayso AP maxaabiista qaar xubnaha taranka maanso looga dhejiyo, qaar xaniinyohooda laga soo lulo dhagxaan culus inta lasoo lalmiyo iyagoo qaawan, kuwo kale waxaa kufsi u gaysta ilaalada xabsiga oo adeegsanaya xitaa alwaax iyo biro, iyadoo la duubayo muuqaalladan naxdinta leh si kuwa kale loogu bajiyo.

“Maraykanku waxay imaaraadka u isticmaalayaan sidii gacan gashi ay wasakhda iska xijiyaan,

Mid ka mid ah dadka xiran ayaa AP oo galaangal la yeelatay u sheegay sidatan: “Way i jir dileen iyagoo aan xitaa waxba igu eedaynin. Waxaan xitaa naawiley inay wax uun igu eedeeyaan si aan iskaga qirto si xanuunku iiga joogsado, ama inay iska kay dilaan, taana waan ka la’ahay.”

Saraakiil Maraykan ah ayaa qirtay inay ay xogo sirdoon ka helaan Imaaraadka, taasoo muujinaysa in Washington ay arrintan faraha kula jirto, tiiyoo ay maxaabiistu sheegeen inaysan Maraykanku toos ugu jirin waxa jirdilaya.

“Maraykanku waxay imaaraadka u isticmaalayaan sidii gacan gashi ay wasakhda iska xijiyaan.” ayuu yiri mid ka mid saraakiisha amaanka oo magaciisa qariyay.

Olole uu Sucuudigu horkacayo ayaa 2015 weerar ku qaaday Yemen iyagoo sheegay inay tuurayaan taliska Xuutiyiinta, si ay xilka ugusoo celiyaan madaxwayne Hadi, yeelkeede, 3 sano oo dalkaa la garaacayay waxaa kaliya ka dhacday musiibo aadminnimo iyadoo ay hadda 80% dadka reer Yemen gaar gaar deg deg ah u baahan yihiin, iyagoo macluul iyo baahi la bistood ah.

Hadalsame Media