”Juventus waxay kaliya ka adag tahay kooxaha Talyaaniga laakiin…!!” – Marco van Basten

0

(Amesterdam) 20 Juun 2018 – Marco van Basten ayaa qiray ‘inay xanuujinayso’ silaca ay dhowaanahan ku jirtey kooxda AC Milan, isagoo niyadda ku dhistay in Juventus ay ‘ay kaliya ku guulaysan karto gudaha Talyaaniga’ si ka duwan Rossoneri.


AC Milan oo haatan xitaa qarka u saaran in loo diido ka qayb galka Europa League arrimo ay UEFA u daliishanaysa hubaal la’aan ka taagan dhanka ninka sanadkii hore kooxdaa iibsadey – waxay aad uga fog tahay Milan-tii uu beri u dheeli jirey Van Basten oo uu la qaaday 3 Scudetti, 2 CL iyo koobab kale intii u dhaxaysay 1987 iyo 1995.

“Way i xanuujinaysaa xaaladda Milan, waayo Milan iyo Inter waxay ahaayeen sida Real [Madrid] iyo Atletico maanta yihiin. Milan ma sida Real Madrid baa? Haa, maxaa yeelay waxaan xooggeena ku qaadi jirney Champions League, wax fiicanna waan ka sameeynay UEFA Cup.” ayuu Van Basten u sheegay Gazzetta dello Sport.

“30 sano wax badan baa is beddeley dhanka Talyaaniga, wax fiicanna maaha. Juventus waa sida Milan-teeydii: Waa koox adag, abaabulan, si joogto ah u kobcaysa, is maalgelinaysa si ay sare u joogto.” ayuu yiri Van.

“Yeelkeede, waxaa jira farqi wayn oo u dhexeeya Milan iyo Juve mid yarna maaha. Milan Yurub bay ka muuqanaysay, doorkaasna haatan waxaa haysata Real Madrid. Juventus way ka mid tahay kooxaha waawayn, balse waxay kaliya guul ka keeni kartaa Talyaaniga dhexdiisa.” ayuu ku hal-gaaday.

Hadalsame Media