”Qof kasta uma ciyaari karo sida Ronaldo” – Recep Tayyip Erdogan oo sheegay inuu taageero CR7

0

(Ankara) 19 Juun 2018 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa amaan kala dul dhacay jookarka reer Portuguese ee Cristiano Ronaldo oo bandhig xiddig ka sameeyay ciyaartii Spain ee KA2018 FIFA oo uu sedddexleey ka dhaliyay, isagoo sidoo kale ku amaanay taageerada uu u fidiyo reer Falastiin.

Erdogan ayaa warkan ka sheegay madal uu baraha bulshada ugu qabtay jamaahiirta Turkiga oo su’aalo iyo jawaab ahaa, taasoo toos loo tebinayay.

“Laadkii xorta ahaa ee [ciyaartii Spain] waa mid aan muran lahayn. Qof kasta taas ma samayn karo, waxaa kaaga daran bandhiggiisa, dhaqanka, kalsoonida – gaar ahaan moowqifkiisa ku aaddan arrinta reer Falastiin – Waa waxyaabo aad muhim u ah. Waana sababta aan ugu sacbiyo,” ayuu yiri Erdogan.

Ronaldo, oo 33 jir ah, ayaa Portugal oo u kabtan u yahay, u saftay 151 kulan isagoo u dhaliyay 84 gool oo caalami ah, tan iyo ciyaar bilowgiisii Agoosto 2003.

Hadalsame Media