Qisadii qamuunyada badnayd ee Iftin & inankii aadka u jeclaa!!

0

(Hadalsame) 19 Juun 2018 – Todoba caruur ah oo aabahood oo u geeriyooday Abeeso qaniintay kadibna reeruhu kala qaateen ayuu u waynaa oo eeddo Ashkira ayaa magaalada kuhaysay.

Dhib iyo dheef wixii uu ka helaba sanaddo badan ayuu khudbasiro ku qabay Iftin. Noole ifkan joogaa inuu ogaado ma jeclayn. Wax ay ahayd gabadh cad, qurux badan oo aamusan. Waxa badan sababaha la isku jeclaado ee gabadhani wax ay dumarka uga duwanayd in aysan shar iyo khayr midnaba la soo qaadin gacaliyaheeda.

Isaguna ma canaanto oo wuxuu u haystaa in aysan u qalmin buuq iyo shiddo. Waa gacaliso afgaaban, cad oo udgoon, waa kaaliye dhab ah, waa iftiin nololeed, waa dawo, waa dookhiisa waana raalliyo la hubo.

Kubadda cagta ayuu ciyaari jiray ka hor inta aysan Iftin is baran. Waxa kale uu si aan joogto ahayn u ruugi jiray cawska ”Jaadka.” Iftin waxay ka joojisay ciyaarista kubadda cagta se wuxuu si hagar la’aan ah u calaliyaa oo aan daamankiisa faaruqin laamaha Jaadka. Aroor hore shaqo tag iyo hore u soo hoyo midnaba ma tiraa.. Taa bedelkeeda quraac iyo qado midna u ma diyaariso, waa sababta aysan lafihiisa iyo maraaqkiisu u kala xishoon. Marfashka Durdur Wacays ayuu dood yaqaan ka yahay oo beeshiisha ku daafacaa kuna dulmiyaa duul kale.

Cadarrada Caron Poivre iyo Clive Christian waxa ka udgoon Iftin.Waa maqabiyo aan minanka faaruqin. Lacagta tobanka malyoon ka badan ee ku qoran buugaagta duugga ah ee Durdur Wacays waxa qura ee lagu illaawi karo waa midabka furan ee Iftin.

Madaama ay dhagaha la’dahay waxa uu muddo niyadda ku hayay in uu iska furo mustaqbalka fog. Aad ayuu ugu niyadsan yahay in uu furi doono marka goorteeda la gaaro. Hadda ma aha. Dhaga la’aanta waxa u wehliya waa cuuryaan oo guriga kama baxdo. Waxa ay ku dhalatay lugo iyo gacma la’aan. Indhahuse waxa ay ka hallaabeen sanadihii ay wada noolaayeen.

Miisaankeeda ayaa si aan xad lahayn isu dhimayey sanadihii dambe. Haddii ay sidaa ku sii socoto way u baqtiyi kartaa macluusha. Garashada dhibta iman doonta iyo geerida soo muuqata waxa daah u ah midabka cad iyo cuudka Iftin. Sida uu u jecelyahay si le’eg iyadu uma jecla.

Dhuubnida waa ay ka siman yihiin se iyadu ma ruugto caleemaha qoyan, wax ay eersanaysaa ledginta ceshaha. Goor barqa kulul ah ayuu i su diyaarinayay salaadda jumce oo aanuu muddo dukan. Iftin oo baqti ku dhow oo uu sare u hayay ayaa mar qura farihiisa ka baxday oo dhulka iyada oo daallan ku dhacday, se sooqabashadeedii isaga ayaa raacay oo sibirka ayuu araxda la helay!

Maalintaas ayaa ugu damabysay lugihiisa oo uu dib ugu socdo. Xaaskiisii halkaas ayay ku baqtiday isagana dhakhtar loogeeyey wuxuu u sheegay in aanuu dib dambe u istaagi doonin awooddiisi raganimo iyo ubadna halkaa ku hakadeeen. dalabaad waqtiya is xigxiga uu u diray hay’adaha caawiya cuuryaanka kuma khasaarin oo wuxuu ka helay gaari uu ku fariisto. Ciddii ku riixi lahayd meel kuma sheego.

Iftin Ifka way ku cidlaysay carruur la’aanna waa ay dhigtay. Hababaran lahaydaa! Jaadkii xumaa waa kaa joojiyey. Saadaq oo ay todobaadkii hore uun deris noqdeen ayaa maanta masaajidka u soo riixay. Waxa uu soo marsiiyey Dukaanka Mire Dhaqane ee xaafadda hoose. Wax ay ka iibsadeen xanjada la calaliyo. Markii uu dukaanka foodda soogeliyey waxa indhiihu qabteen saabuunta lagu suuliyo usgaga ee LUX.

Indhihiisa ayaa ku dul xasilay. Wuu sii daawaday. Waxa uu soo xusuustay kubaddii uu ciyaari jiray, dhalintii uu la socon jiray, hablihii uu lahaasaawi jiray. Waxa uu hoos u eegay xaaladda uu ku sugan yahay iyo dhabar la’aanta!

Waxa uu sawirtay ubad la’aanta iyo gabowgiisa! Kaddibna geeridiisa iyo waraysiga aakhiro! Gar uusan daysan se ku baxay waxa dhex rooray illin kulul. Si quursi iyo gunnimo leh ayuu naftiisa ugu qiray in uu mustabalka naftiisa u gawracay LUX! Lux waxa ay uga fakatay suuli marmar ah isla iyada ayaana la siibatay markii uu soo qaban lahaa!

Waxaa Curiyay: Idriis Xaaji Campione

Hadalsame Media