NABAR AAN RAYSAN: Yaa ka dambeeyay saraakiishii Soomaaliyeed ee la KHAARAJIYAY 1978-kii? (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 19 Juun 2018 – Horraantii sannadkii 1978-kii ciidamada Soomaaliya ayaa waxay gudaha ugu jireen weerarkooda ay horey ugu sii socdeen Itoobiya, oo markaas dagaal uu kala dhaxeeyey Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya oo ay taageerayaan xulafadii Ruushka, Cuba, Yemen iyo waddamo kale waxay weerarro ku qaadayeen fadhiisimada safka hore ay ku leeyihiin ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa duqeeyey saldhig ku yaalla meel ku dhow Jigjiga, iyagoo waxyeello culus gaarsiiyay ciidankii iyo taangiyo ay Soomaaliya lahayd.

Intii uu dagaalkan socday waxa dhacay fal ay saraakiisha sare ee ciidamada dawladda Soomaaliya ku khaarajiyeen askartii ugu badnayd ee Soomaali ah ee hal mar lagu laayo goob keliya.

Hoos ka dhegeyso barnaamijka Galka Baarista oo uu soo jeedinayo Haaruun Macruuf oo ka tirsan idaacadda VOA qaybteeda af Soomaaliga.

Hadalsame Media