SAWIRRO: ”Waxaad waddaa jihaad jacayl ku gambanaya” – Kooxo xag-jir ah oo dil ugu hanjabey wiil Muslim ah oo guursadey atirisho caan ah!

0

(Mumbai) 18 Juun 2018 – Qalanjada Bollywood ee Ayesha Takia oo uu qabo Farhan Azmi ayaa ashtako rasmi ah u gudbisey Booliiska Mumbai kaddib markii ay dil ugu hanjabeen dhaqdhaqaaqyo xag-jir ah oo Hindu ah, sida uu werinayo NDTV.

Azmi, oo ah nin leh hoteello iyo makhaayado waawayn, isla markaana uu dhalay hoggaamiyaha xisbiga Samajwadi Party ee Abu Azmi, ayaa sida la sheegay waxaa dil ugu hanjabey xisbi cunsuri ah oo la yiraahdo Hindu Sena, kaasoo ka howlgala gobolka Rajasthan.

Waxay ku eedeeyeen inuu kusoo qaaday wax ay ugu yeereen “jihaadkii jacaylka”. “Waxaad wada tijiin xayawaanno, waxaad waddaa jihaad jacayl si aad u guursato gabar Hindu ah” ayuu ku qaylinayay qof soo wacay Mr Azmi.

Atirishada Ayesha iyo Farhan Azmi ayaa is qabay tan iyo 2009-kii, iyagoo isu dhalay wiil lagu magacaabo Mikaa’iil, waxaana weliba la sheegayaa inay Ayesha qaadatay diinta Islaamka.

Hadalsame Media